Maamulka Magaalada Godey Gacalo

Maamulka Magaalada Godey Gacalo ka haqab tiriha shacabka baahiyaha xogaha ee m.m.godey

Waxanu rapnaa inan wax yar ka hadalno arrinta kubada cagta ee naadiga FC MUSTAQBAL ee labadan bari suuqa ku jirta..Walow...
24/12/2023

Waxanu rapnaa inan wax yar ka hadalno arrinta kubada cagta ee naadiga FC MUSTAQBAL ee labadan bari suuqa ku jirta..

Walow aanan anugu aheen kuwo hayya xog rasmi hadana waxa nasoo gaartay in naadiga mustaqbal oo natiijo ahaan kuso baxay kaalinta 2aad ee heerka guruubka loo dhaadhiciyay kaalinta 3aad sabab la xiriirta musuq lagu eedeeyay..
Sida jirta musuqa muuqda ee rasmiga ah Ganaax walpa oo uu kuu garto gudiga tartankaas waa lagu marsiin karaa waa hadii aad tahay naadi hoos taga gudiga oo aad ogolaansho kaga qaypgashay tartanka..
Hadii uunan jirin wax cad oo lahen makhraati ama cadeen kufilan majirto sabab naadi dhibic uu xaq uleeyahay looga jari karo.

Markii la joogo caalamka.. naadiyadu waxay ufasaxan yihiin qaab ciyaareedkooda, shaxdooda, taatikadooda, io dhamaan xeeladaha iyo hadalada ku saabsan qaabciyaareedkooda.. labo kulan oo midka danbe muhiim uyahay hadii ay iskugu aado waxay isku diyaariyaan midka iyaga muhiimka u ah waxayna ilaashadaan xidigahooda muhiimka ah io awoodooda xoogan.
Intaa ka sakoow waxa mamnuuc ah in aad lacag ama wax kale oo garoonka bannaankiisa ku musuqdo xidigaha io kooxaha kale ama garsoorayaasha...

Hadii naadi uu ku harro dhibcaha sido kale naadi kale oo dhibco haysto lagu helo khalad cad kaliya waxa la ciqaaba cidda tartanka ku jirta, balse cidda hartay gapi ahaanba shaqo kuma laha go'aamada oo iyadu waa ay hartay oo kaliya...

Hada waxan umalayninaa iney cadahay..
Arinta mustaqbal oo ah in la ganaaxay waxay ubaahan tahay cadeemo sax ah hadey jiraan cadaymo sax oo ah iney musuq samaysay, go'aanka gudiga waa in ay ciqaab marsiiyaan naadigaas..

Arinta naadiga kale ee NINE STARS waxa ay ku hartay dhibco illaa io illaapa waa in ay halkaa ku harto, waxbana iskama galin arrinta naadi soo baxay oo la ciqaabayo ama la daynayo io naadi tartanka kaga haray dhibco uu ka helay labo ciyaar oo uu dheelay.

Fg: Ugu danbeen hadii naadi lagu helo khalad ah musuq sida iney lacago siiyeen garsoore, tababare,ciyaartoy, ama aad ku xad gudubto xeerarka tartanka tusaale, inad ku dheesho tiro badan/tiro yar, ama uu ku dheelo xidig ganaaxan, ama aad ciyaarta iman waydo ama aad ka baxdo garoonka saacada oo dhamaan ama i.w.m. markaasna go'aanka gudigu uu noqdo in dhipco laga jaro, waxa si sharci ah usoo baxaya naadiga kusoo xiga dhibco ahaan waana halka wado ee mustaqbal ku hari karto nine starsna kuso pixi karto...

Wa bilaahi tawfiiq...

Hormarka ayey qayb ka tahay
20/12/2023

Hormarka ayey qayb ka tahay

Tababare Abdi osman (Abdi gurey) .Xirfadlahan ayaa qaatay aqoonsiga ama layzanka tababarnimo ee D-CAF couching heerkeeda...
15/11/2023

Tababare Abdi osman (Abdi gurey) .
Xirfadlahan ayaa qaatay aqoonsiga ama layzanka tababarnimo ee D-CAF couching heerkeeda diploma.
Shahaadadan heer caaalami wuxu kaga shaqeen kara dhamaan dalalka Africa io waxayna sido kale usahlaysa inu helo shahaadada FIFA couching heerarkeda.

Abdi gurey wuxu ahaa xirfadle kubadede oo ku dheela lugta bidix isago ka ciyaari jiray booska 7, marmarna boosaska 3, xitaa dhexda.
Wuxu ahaa xidiga gudaha ka maamulo dheesha wuxuna ku suntana marwalpa heerka hogaanimo ee gudaha garoonka (captain) Wuxu ahaa ciyaartoyda leh cadaadiska, qadiyada io mayal adeega, isago sido kale qaadan jiray masuuliyada laadadka xorta ah io rigooyinka.

Heerkiisa tababarnimo..
Wuxu caan ku ahaa ama wakht badan ku qaatay naadigi Global (Arli) oo uu ka ahaa waxwalpa aasaase isku duwe tababare io xidig io walipa hogaamiye gudaha io banaankapa.
Xaafadii ay ka dhisneed naadigaas ee 9aad 3aad illaa 7aad wxa aad looga xushmayn jiray xidigan oo looga kici jiray kursiga, iyagoo ku dayan jiraya hanaankiisa hogaamineed.

Marki la yimaado fagaaraha naadiyada kaso horjeedo waxaa bar tilmaameed u ahaa isaga iney bal fashiliyaan nidaamkiisa adag ee uu udiyaarshay naadigiisa ama shaqsi ahaan ay uweeraraan dareenkiisa.

Wuxu isago tababare io ciyaartoyba ah uu lasoo xifaaltamay jiil to jiil. isago soo matalay naadiyo ay kamid ahaayeen weerar, baqdaad, mustaqbal, io naadiyo kale. OO ka dheeli jiray garoonka wayn ee godey, wuxuna qaypo kamid ah hogaaminta uu kuso yeeshay naadigii baqdaad wakhti uu aad uyaraa.
Ugu danbeen isago tababare ah wuxu guulo waawayn gaarsiiyay xaafadiisi 9aad, M.m. Godey, io naadigiisi Global..

Wxa xusid mudan marka laga tago naadigiisa caanka ahaa ee Global sido kale inu kujiro taariikhaha naadiyada Hibo, dalsan, wiimo, unkad, mahiigaan, oo ahaa naadiyadii ay aadka usaameesay falsafadiisi iyo guulihii naadigiisa Global....

Mida ugu muhiimsan wxy tahay inuu soo saaray jiilka ugu badan ugu wanaagsan magaalada isagoo tan 2012 soo saarayay xidigo anfici kara magac walpa oo ay matalan.

Wxa xusid mudan tartankii magaalooyinka ee ugu danbeeyay inuu ahaa tababaraha kaliya ee kalsoonida siiyay ee la shirtagay dhalinyaro tartankii ugu horaysay utahay oo ahaa dhamaantood da'yar misna soo bandhigay banooni geesinimo leh oo casriga la jaanqaadi karta.....

Hogaamiye ruuxi ah

10/10/2023

Khadar mahad (buuko) Abdi nugaal labadan ciyaartoy oo ku sumadna guulo ayaa kamid aha hogaamiyaashi naadigi fc universal ku hogaamiyay koobka magaalada.

Mahamed mame(garabka midig) ee isla naadigan waa xidiga sixray indhaha bulshada èe kaso dhalaalay tartankan..
sido kale cabaase (khadka dhexe) waa ciyaartoy aan la garanin nooc lagu sifooyo oo aad ujoogteeyo qaabciyaared ka baxsan bini aadimnimada, mar waxad isdhahaysa malaha waa mashiin lafo leh.
daafacyada,
Cali dheere (daafac bidix) waa xidiga maareeyay mushkilidihii ugu waynaa ee kooxdan kala kulmi lahed weerarada halista ah, wuxu ka guulaystay xidiga mppabe io khadar xiyir, wuxuna ahaa biyo daminayay dabka oodhan,

xidiga birta ee khaalid dayib (daafac dhexe) daafacan oo isagu waayadan danbaba soo iftiimayay oo lasii filayay fiicnidiisa ayaa ahaa udub dhaxaad si geezimo leh udheelayay wuxuna ahaa sirta ugu danbaysa ama hubka ugu danbeeyay ee ay isticmaalaysay naadigan wuxuna ahaa qalpiga lagu dheelayay garoonka gudihiisa,
Jaliil(daafac dhexe midig ) xidigan oo qofwalpa iska garanayo waa xidig marar badan lasoo tacaalay tartamo noocan ah waxwayna ma'aha hadii lagu arko daafac adkaan.
Nasri kaamil (difaac midig), waa da'yar cajiib ah oo soo bandhihay qaab ciyaareed aan lasii sadaalin waana xidiga kaliya ee maamuuska helay xidigaha koobka.

Waxa xusid mudan habkii rigoorada ula tacaaleen xidigaha abshir salal(gooldhaliye) io kamaal messi(garab bidix) io goolhayaha ku zumadan guushan xusni dayib oo ahaa ciyaartoyga ugu da'da yar tartankan waa gool hayaha kaliya ee ku guulaytay rigoore 3 ciyaar oo kala duwan.

Dhamaan xidigahan aan iftiiminaya waa kaliya xidigihii Horyaalka noqday waana xulasho umuhiim ah Xulka kubada maamulka magaalada.

Naadiga kubada cagta  . ayey caasimadu ushidneed maalmahan.Naadigan ayaa ku guulaystay tartanka kubada ee magaalada.Sido...
10/10/2023

Naadiga kubada cagta . ayey caasimadu ushidneed maalmahan.
Naadigan ayaa ku guulaystay tartanka kubada ee magaalada.
Sidokale xidigooda uga ciyaata daafaca midig ayaa noqday kii ugu fiicna tartankaas.
Waxan leenahay hanbalyo sh*ta magaalka oo shamaca udaara. Horay usocda waligiin.

Inta kuraastaas iska soo horjeedka ah ku fariisatay, ma ku cuntay full, ukun, kaluun, I.w.m. Goob dhalinta iskaabulada a...
13/01/2023

Inta kuraastaas iska soo horjeedka ah ku fariisatay, ma ku cuntay full, ukun, kaluun, I.w.m.

Goob dhalinta iskaabulada ah ubadan yihiin,

M_m_g.

09/01/2023

Degdeg:

XAALADA MAGAALADA GODE
11:42 PM
😪😔

22/12/2022

Waxa soo badanaya fal danbiyeed noociisu yahay dil kaasoo ka dhaca magaalada godey.

😪Waxan ogeen dil ka dhacay aaga suuqa masagalayda oo lagu fuliyay marxuum amiin jowhar oo ahaa wiil da'yar dhalinyaro ah.

😢Waxaa ku xigay dil ka dhacay aaga wadada meera gode oo lagu fuliyay marxuum mubashir oo ahaa wiil da'yar dhalinyaro ah.

😢Waxa kale oo xigay dil ka dhacay amxaaro safar fiidnimo oo lagu fuliyay nin dhalinyaro ahaaa.

😢Waxaa xigay dil ka dhacay xaafada sideedaad oo ah dil nooca ugu foosha xun oo lagu fuliyay nin dhalinyaro ahaa.

😢Waxa xigay dil ka dhacay suuqa yaanyada hortiisa oo lagu fuliyay marxuum cabdulahi oo ahaa nin dhalinyaro oo ku xoogsada mooto bajaaj.

waxa dil loo gaystay marxuum xamse maxamud oo ahaa nin dhalinyaro ah oo kamid ah dadka aadka looga yaqaano gudaha magaalada godey waxan la delay isagoo sii dheelmanayo.

Dhamaan arrimahan waxay noo cadeenayaan amni la'aan balaadhan iyo nololxumi gudaha caasimada labaad ee degaanka.

Inaaalilaahi waa inaa ilaahi raajicuun.Allaha ha unaxariisyo marxuum sheekh xamse maxamud oo xalay lagu dilay magaalada ...
22/12/2022

Inaaalilaahi waa inaa ilaahi raajicuun.

Allaha ha unaxariisyo marxuum sheekh xamse maxamud oo xalay lagu dilay magaalada godey.

04/12/2022

Ma dareensan tahay shiqaaqo yar iney jirto maanta

Hambalyo hambalyo hambalyo ....................................Dhamaan bulshawaynta kunool maamulka magaalada godey waxa...
11/11/2022

Hambalyo hambalyo hambalyo ....................................

Dhamaan bulshawaynta kunool maamulka magaalada godey waxaan ugu bisharaynaynaa in caawo ladaah furay
pizza hut & magic burger
Kuwaaas oo leh dhadhan dhamaystiran oo lajaanqaadayo noocyada lamidka ah ee caalamka iyadoo ay sameeynayaan xubno aqoon dheeri ah u leh
{ dhaqaaq oo soo dhadhami adaa si dhab ah udhoola cayn doone}

Goobt wa kasohorjeedka garoonka kubada cagta ee magaalada ama maxkamada gobalka meesha kuxigta .

Xigasho Xamari studio and photography

30/10/2022

Address

Gode

Telephone

+251921644850

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Maamulka Magaalada Godey Gacalo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Establishment

Send a message to Maamulka Magaalada Godey Gacalo:

Share