22/10/2018
Wiil waal oo kasoo jeedey beesha jidwaaq absame ee daarod wuxuu talinayey Xilli lagu qiyaasay qarnigii 16aad ayaa waxaa jiray garaadSoomaaliyeed oo la odhan jiray garad xirsi garaad faarax garad xirsi wiil Waal. Xaruntiisu waxay ahayd halka ay ku taalo magaalada Jigjiga. Waxaa lagu sheegay inuu ahaa nin xukun adag xikmadse badan. Wuxuu ahaa hoggaamiye cimrigiisa badankiisii ku idlaystay duulaan iyo difaac joogta ah oo tolkii kula jiray Galla degaankaa muddo gaaban ka hor ka talinaysay.
Nin dadka aad u imtixaana oo isku daya inuu qof walba garashaddiisa dhudhumiyo ayuu ahaa, maalin maalmaha ka mid ah ayuu shir weyn wacay oo uu isagu yeedhay odayaashii beesh. Wuxuu codsaday in nin walba oo soo gaadhi kara shirka yimaado. Il-laawe iyo lug-laawe kol ay ku tahay, Bartire wixii akabaabiga ka dhawaa ayaa isu yimid. Af-niijiye (qof dadka warka gaadhsiiya siddii makarafoonkii) ayuu idmay oo intuu shirkii ka dhex kacay faray in nin walba gurigiisii ku noqdo, shirka barrito la isugu imanayana uu keeno “cadka rag walaaleeya.” Raggii shirka yimid oo yaaban oo war tolow maantana muxuu arintan cusub uga jeedaa is leh ayaa dib u geddoomay.
Way shireen oo war rag talo k**a dhamaatee muxuu Wiil Waal raadinayaa is weydiiyeen! Cadka rag walaaleeya ayaa in badan laga dooday. Muxuu yahay mase jiraa? Si guud iyo gooni gooniba raggii way u shawreen hase ahaatee dhakafaar ayey ka qaadeen in kasta oo ay arinta sii rogrogaan. Ninba ninkuu garasho ku tuhmayey ayuu dhinac ula baxay oo war maxay kula tahay warsaday. “Maantana maxay noqon siddii, Muxamed loo yaabye” ayuu xaalkoodu ku sifoobay. Markii ay isku daaleen wax ur ahina u bixi weyday ayey ku kala faadhumaysteen war bal faq iyo gorfeyn waxba ku soo saari weynayee, nin walba iskii ha uga soo fakaro arinta, cadkii uu ka badin waayana barito ha keeno.
Aqaladdoodii haddii ay tageen wuxuu nin walba reerkiisii warsaday in neefka adhiga ugu shilis la gawraco hilibkana si cajiib ah loogu sameeyo. Nin walba wuxuu si gooni ah u codsaday cadkii uu islahaa ragga ayuu walaaleeyaa. Midbaa codsaday in garabka loo diyaariyo, midbaa codsaday in sararta loo diyaariyo, mid kalaa codsaday daqayda, midba cad gaar ah ayuu codsaday.
Waxaa raggaas la xujeeyey ka mid ahaa nin caydh ah oo aan bar adduun ka nixin tobaneeyo neef oo adhi ah mooyee, caruur rajooyin ahna korsada. Aabe mutaxan ama ‘single father’ ayaa dhici karta in dadka qaarkii u yaqaano ninka noocaa ah. Caruurtaa waxaa ugu weynaa gabadh 16 jir ah oo la wariyey inay qurux iyo qiimaba bogcad cidla ah u taagnayd. Gurigiisii ayuu tagay odaygii wuxuuna gabadhiisii faray inay gawracdo sabeenta neefafkooda ka dhaqaaqaysa. Ee aabo, miyaad waalatay caydh ayeynu nahay ee miyuu inaga baxaa neef aan gawracno maanta, maxaadse sabeenta adhigaba laga qaato ku maagtay, ayey weydiisay. Aabo miyaan khayaar leeyahay saw Wiil Waal raggii ma amrin inay sidaa yeelaan, waynu ku qasbanahay ee aabo sarakac oo durduri, ayuu ugu jawaabay. Way u muuqatay danyaraanta gabadhu ka calaacashay laakiinse wuxuu laabta ku hayey cidhib xumada ka dhalan karta amarka Garaadka oo uu ka madax-adaygo ileen “Askar amar ka diidaa kornayl, waa Allow sahale.”