Jidwaaq absame community

Jidwaaq absame community Kontaktinformationen, Karte und Wegbeschreibungen, Kontaktformulare, Öffnungszeiten, Dienstleistungen, Bewertungen, Fotos, Videos und Ankündigungen von Jidwaaq absame community, JIDWAAQ COMMUNITY ONLY, Gera.

Hadaladii uu so jeediyey DR.          wuxu yiri xilka wax ka fiican dadkago ku jecel nabda ku nool farxadu watas
07/04/2019

Hadaladii uu so jeediyey DR. wuxu yiri xilka wax ka fiican dadkago ku jecel nabda ku nool farxadu watas

22/10/2018

Wiil waal oo kasoo jeedey beesha jidwaaq absame ee daarod wuxuu talinayey Xilli lagu qiyaasay qarnigii 16aad ayaa waxaa jiray garaadSoomaaliyeed oo la odhan jiray garad xirsi garaad faarax garad xirsi wiil Waal. Xaruntiisu waxay ahayd halka ay ku taalo magaalada Jigjiga. Waxaa lagu sheegay inuu ahaa nin xukun adag xikmadse badan. Wuxuu ahaa hoggaamiye cimrigiisa badankiisii ku idlaystay duulaan iyo difaac joogta ah oo tolkii kula jiray Galla degaankaa muddo gaaban ka hor ka talinaysay.

Nin dadka aad u imtixaana oo isku daya inuu qof walba garashaddiisa dhudhumiyo ayuu ahaa, maalin maalmaha ka mid ah ayuu shir weyn wacay oo uu isagu yeedhay odayaashii beesh. Wuxuu codsaday in nin walba oo soo gaadhi kara shirka yimaado. Il-laawe iyo lug-laawe kol ay ku tahay, Bartire wixii akabaabiga ka dhawaa ayaa isu yimid. Af-niijiye (qof dadka warka gaadhsiiya siddii makarafoonkii) ayuu idmay oo intuu shirkii ka dhex kacay faray in nin walba gurigiisii ku noqdo, shirka barrito la isugu imanayana uu keeno “cadka rag walaaleeya.” Raggii shirka yimid oo yaaban oo war tolow maantana muxuu arintan cusub uga jeedaa is leh ayaa dib u geddoomay.

Way shireen oo war rag talo k**a dhamaatee muxuu Wiil Waal raadinayaa is weydiiyeen! Cadka rag walaaleeya ayaa in badan laga dooday. Muxuu yahay mase jiraa? Si guud iyo gooni gooniba raggii way u shawreen hase ahaatee dhakafaar ayey ka qaadeen in kasta oo ay arinta sii rogrogaan. Ninba ninkuu garasho ku tuhmayey ayuu dhinac ula baxay oo war maxay kula tahay warsaday. “Maantana maxay noqon siddii, Muxamed loo yaabye” ayuu xaalkoodu ku sifoobay. Markii ay isku daaleen wax ur ahina u bixi weyday ayey ku kala faadhumaysteen war bal faq iyo gorfeyn waxba ku soo saari weynayee, nin walba iskii ha uga soo fakaro arinta, cadkii uu ka badin waayana barito ha keeno.

Aqaladdoodii haddii ay tageen wuxuu nin walba reerkiisii warsaday in neefka adhiga ugu shilis la gawraco hilibkana si cajiib ah loogu sameeyo. Nin walba wuxuu si gooni ah u codsaday cadkii uu islahaa ragga ayuu walaaleeyaa. Midbaa codsaday in garabka loo diyaariyo, midbaa codsaday in sararta loo diyaariyo, mid kalaa codsaday daqayda, midba cad gaar ah ayuu codsaday.

Waxaa raggaas la xujeeyey ka mid ahaa nin caydh ah oo aan bar adduun ka nixin tobaneeyo neef oo adhi ah mooyee, caruur rajooyin ahna korsada. Aabe mutaxan ama ‘single father’ ayaa dhici karta in dadka qaarkii u yaqaano ninka noocaa ah. Caruurtaa waxaa ugu weynaa gabadh 16 jir ah oo la wariyey inay qurux iyo qiimaba bogcad cidla ah u taagnayd. Gurigiisii ayuu tagay odaygii wuxuuna gabadhiisii faray inay gawracdo sabeenta neefafkooda ka dhaqaaqaysa. Ee aabo, miyaad waalatay caydh ayeynu nahay ee miyuu inaga baxaa neef aan gawracno maanta, maxaadse sabeenta adhigaba laga qaato ku maagtay, ayey weydiisay. Aabo miyaan khayaar leeyahay saw Wiil Waal raggii ma amrin inay sidaa yeelaan, waynu ku qasbanahay ee aabo sarakac oo durduri, ayuu ugu jawaabay. Way u muuqatay danyaraanta gabadhu ka calaacashay laakiinse wuxuu laabta ku hayey cidhib xumada ka dhalan karta amarka Garaadka oo uu ka madax-adaygo ileen “Askar amar ka diidaa kornayl, waa Allow sahale.”

Dagaalkii Dhagax-tuur iyo Dilkii Xaawo-TaakoPosted by: somaliwi in TaariikhJanuary 28, 2017Comments Offon Dagaalkii Dhag...
22/10/2018

Dagaalkii Dhagax-tuur iyo Dilkii Xaawo-Taako

Posted by: somaliwi in TaariikhJanuary 28, 2017Comments Offon Dagaalkii Dhagax-tuur iyo Dilkii Xaawo-Taako2,331 Views

Kolkii shacabka Soomaaliyeed ay u, muuqatay inay arrintu u janjeerto in Qaramada Midoobay go’aan ku gaareyso in Soomaaliyada Koonfureed loo dhiibo Talyaani si uu gobinnimo u gaarsiiyo ayaa shacabka Soomaaliyeed iyagoo taasi ka dhiidhinaya ayay 5-tii Oktoobar sanadki 1949-kii dalka oo idil bannaanbax isugu soo bexeen.

Ciidamadii Ingiriiska ee Muqdisho joogay waxay u soo dhaqaaqeen inay kala eryaan dadkaasi ku banaanbaxayay meesha markii dambe loogu magac daray ‘Dhagax-tuur’. Soomaalida waxaa markaasi hub u ahaa dhagxaan ay isaga dhicinayeen ciidankii Ingiriiska ee soo weeraray. Ciidankii Ingiriiska tacshiirad aan loo kala aabbayeelin ayay ku fureen dadkii, illaa 8 qof dad gaaraya ayaa Soomaalidii ka geeriyootay. Ciidamadii Ingiriiska oo kaliya maahayn waxa weerarka soo qaaday ee waxaa wehliyay Soomaali calooshood-u-shaqeystayaal ah. Inkastoo Soomaalidaas qaarkood ay rasaasta kor u ridayeen, haddana qaar iyaga ka mid ah ayaa la sheegay inay dadka hoos ugu dhigeen. Intay ciidamadii Ingiriiska iyo Soomaalidii la shaqeyneysay ku maqnaayeen meeshii Soomaalidu isugu soo baxday, ayaa rag Soomaali ah ay weerar ku qaadeen xaruntii SYL oo ku dhoweyd meesha hadda ah Tiyaatarka Qaranka.

Raggan ayaa xarunta soo weeraray, iyadoo markaasi xarunta laga maqan yahay, bannaanka ‘Dhagax-tuurna’ lagu kulansan yahay. Waxaa xarunta ku sugnaa dad aad u yar oo ay ka mid ahayd Allaha u naxariistee Xaawo-Taako. Raggii xarunta soo weeraray waxay fallaar wadnaha kala heleen Xaawo-Taako oo goobtaasi ku geeriyootay. Xaawo Cusmaan (Xaawo-Taako) waxay ka mid ahayd haweenkii ugu firfircoonaa ee SYL ka tirsanaa xilligeeda. Dilkeeda Somaali oo dhan waa ka xumaatay.

Local business

22/10/2018

Kkkkk kir

Adresse

JIDWAAQ COMMUNITY ONLY
Gera
3333

Webseite

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von Jidwaaq absame community erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Teilen