01/06/2026
QAADKU WAA CULAYS SAARAN MUSTAQBALKA SOOMAALIYA
Maalin kasta malaayiin doollar ayaa dalka uga baxa qaad, halka qoysas badan ay la daalaa dhacayaan saboolnimo, shaqo la'aan iyo adeegyo la'aan. Lacagtaas haddii lagu maalgelin lahaa wax soo saar, waxbarasho, caafimaad ama horumarinta amniga, waxay wax weyn ka beddeli lahayd nolosha shacabka Soomaaliyeed.
Dhalinyaro badan ayaa saacado badan ku lumiya qaadka iyagoo aan ka helin faa'iido muuqata oo mustaqbalkooda wax ku kordhinaysa. Dhanka kale, dadka ka ganacsada qaadka ayaa sii kobcaya, hantidooduna way sii badanaysaa.
Waxaa la sheegaa in qaar ka mid ah ganacsatada Kenya ay u arkaan dhalinyarada Soomaaliyeed macaamiishooda mustaqbalka, taasoo muujinaysa sida suuqa qaadku ugu tiirsan yahay jiilalka soo koraya ee Soomaaliyeed.
Waxaa sidoo kale muuqata in qaar ka mid ah dadka dhaqaale weyn ka sameeyay ganacsiga qaadka ay maanta u taagan yihiin kuraas siyaasadeed, iyagoo doonaya inay matalaan shacabka. Su'aashu waxay tahay: maalgashigooda iyo dadaalkooda ma wuxuu ku wajahnaa horumarinta bulshada mise kobcinta ganacsigooda gaarka ah?
Bulsho kasta waxay ku hormartaa marka ay maalgeliso aqoon, shaqo abuur, wax soo saar iyo amni. Soomaaliya waxay u baahan tahay jiil ka fekera mustaqbalka, kana hormariya danaha qaranka danaha gaarka ah.
Mustaqbalka Soomaaliya laguma dhiso qaad, balse waxaa lagu dhisaa aqoon, shaqo, wadajir iyo horumar.
.shekeeye