15/02/2026
hambaliyo hambaliyo
Waxaa maanta si heer sare ah uga qabsoomay Xaflada lagu Qalinjabiyay ku Tiirsanaanta Barnaamijka Badbaadada Wax-soo-saarka ee Miyiga (PSNP-5).
Munaasabaddan uu soo agaasimay xafiiska horumarinta beeraha ee degmada Shiniile ayaa waxaa ka sooqaybgalay Gudoomiye
》ku-xigeenka Degmada Shinile, Mudane
■ Mustafe Maxamed
》Madaxa Arrimaha Xisbiga
■ Marwo Amina Cumar
》Madaxa Xafiiska Beeraha
■ Mudane Bashir Jaamac
》 Hawl-wadeennada PSNP ee deegaanka
Hadaba qoysaskan loo sameeyey xafladdan muhiimka ah ayaa ahayd mid muujinaysa guul wax ku ool ah oo ay gaareen qoysaska ka faa’iideystay barnaamijka kuwaas oo u gudbay marxalad is-ku-filnaansho iyo nolol waarta.